Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ku sugan xubnihii ugu badnaa oo kamid ah mucaaradka dowladda Federaalka, kuwaas oo ka qeyb-galaya xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Ka sokoow munaasabada Caleema saarka qaarkood waxaa ay sheegeen in kaliya caleema saarka aysan u tegin kismaayo,balse ay jiraan qorshooyin kale oo siyaasadeed iyo in isbaheysi looga dhawaaqo Kismaayo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh axmed ayaa markii uu shalay tegay Kismaayo sheegay in xaflada caleema saarka kaliya balse ay sameysanayaan kulamo wadatashi ah, kadib walaac ay ka qabaan xaalada dalka.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed oo la hadlayay warbaahinta ayaa shegay in madaxda Kismaayo timid inay ka tashanayaan mowjadaha Siyaasadeed ee kajira dalka Soomaaliya xilligaan iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Madaxda kaliya aysan u imaan xaflada Caleema-saarka,hayeeshee ay jiraan kulamo kale iyo in ay sameystaan madaxda Isbaheysi ay ku midoobaan si looga gudbo mushkiladaha ka taagan guud ahaan dalka.