Magaalada Kismaayo waxaa si toos ah waqtigan uga socta munaasabada caleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]
Hoolka ay munaasabada ka dhaceyso waxaa ku sugan wafuudda ka qeybgalaya munaasabada oo ay ka mid yihiin wafdi saacado ka hor ka yimid magaalada Nairobi, waxaana horkacaya guddoomiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya.
Sidoo kale waxaa munaasabadan kasoo qeybgalay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, hogaamiyayaasha Asxaabta Qaranka, xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu horkacayo guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, iyo inta badan Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Xukuumada federaalka oo in mudo ahba cadaadis ku heystay maamulka jubaland ayaa u muuqata in xukuumada meel cidlo ah la dhigay kadib kolkii uu shaqeyn waayeen dhamaan jid gooyadii ay dhgtey.