Weerarada Alshahab Ay Ka Geystaan Degmada Jowhar oo Kor u Kacay

0
59

Al-Shabaab ayaa waxaa ay kordhiyeen labadii bilood ee la soo dhaafay weerarada ay ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe,weeradaas oo ay ku dileen mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle.

Weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa lagu dilay Guddoomiye kuxigeeno ka tirsan Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya.

19-kii Bishii September ee sanadkaan 2019 ayaa qarax miino oo ka dhacay deegaanka Gololeey ee duleedka Balcad waxaa lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan.

12-kii Bishaan oo laba Maalin kaliya ay kasoo wareegtay ayaa tuulada Mandheere oo 8km u jirta magaaladaasi waxaa weerar jidgal ahaa lagu dilay taliye kuxigeenkii Ciidamada ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Xasan Dhiilow iyo saddex sarkaal oo kale oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada maamulkaasi.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa 16-kii Bishii September goob fagaare ah ka sheegay in Al-Shabaabkii ku sugnaa deegaannada Gobolka Shabellaha Hoose ay u soo guureen deegaannada Hir-Shabeelle,isla markaana dhibaatooyin amni-darro ka geysanayaan.