Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dhaqdhaqaad Milateri Ka Wada Wadada u Dhexeysa Magaalooyinka Baydhabo iyo Buur Hakaba

0
56

Wararka aynu ka heleyno gobolka Bay ayaa sheegaya in isgaarsiintii aysan shaqaynayn iyadoo dhinaca kale ay jiraan dhaqdhaqaaqyo milatari oo ay ciidamo itoobiyaan ah ka wadaan wadada u dhaxaysa magaalada Baydhaba iyo Buurhakaba.

Maalintii shalayna qarax ka dhacay degaanka Lughabare oo u dhow magaalada Buurhakaba ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Itoobiya sida xubin dhinaca amniga ah uu u sheegay.

Sarkaalkaasi waxaa kale uu sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ah ciidamada Itoobiya.

Ciidamada la bartilmaameedsaday ayaa kasoo socday dhinaca Buurhakaba, waxaana la sheegay inay maanta u suurto gashay inay safarkooda sii wataan kadib qaraxa shalay galab.