Maamulka Puntland oo Soo Bandhigay Magacyada Dhowr Maraakiib oo Si Sharci Daro ah Uga Kaluumeysta Xeebaha Puntland

0
63

Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee maamulka Puntland Faarax Cawaash Beeldaaje oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa soo ban dhigay tirada iyo magacyada maraakiibta shisheeye ee sida sharci darada ah uga kalluumeysta xeebaha deegaanada Puntland.

Wasiir Beeldaaje ayaa sheegay in maraakiibtaas ay si dhuumaaleysi ah u gurtaan kheyraadka Puntland, isagoo sheegay in ay ku howlan yihiin sidii sharciga ula tiigsan lahaayeen maraakiibtaas.

Iyagoo kaashanaya Wasaaradda kalluumaysiga ee xukuumadda federaalka ayuu sheegay in ay dacwado ka dhigeen dekedaha wadamada ay u iib geeyaan maraakiibtaas kalluunka ay ka xadaan xeebaha Puntland.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa soo ban dhigay magacyada Maraakiibta lagu eedeynayo in kalluumaysi sharci daro ah ay ka wadaan xeebaha dalka kuwaasoo kala ah Al-Amiin oo wata calankla Iran, Al-Khaliil oo Iiraani ah, Al-Nasiib oo siguna Iiraani ah, Amiir 374 oo Iiraani ah, Al-Saffa oo Pagistaani ah, Al-Tamasha oo Pakistaani ah, Arsanaal, Baytulaah, Xamiidi, Jasma, Kooka iyo kuwo kale oo dhamaan aan heyno magacyadooda.