Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa saddex qof oo xalay toogasho lagu dilay degmada Waaberi eemagaalada Muqdisho, mar ay dabley hubeysan weerar ku qaadeen.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay agagaarka Baar Ha-i-dhaafin, iyadoo halkaasi lagu dilay saddex qofoo rag ah markii koox ku hubeysan Bistoolado ay rasaas ku fureen, iyadoo weerarka kadib goobta ka baxsaday.
Al-shabaab ayaa sheegatay dilka saddexda qof, waxayna ku sheegtay inay ka tirsanaayeen sirdoonka dhar-cadka ah ee Dowladda Soomaaliya, iyagoo markii la dilay laga furtay bistooladihii ay wateen, sida lagu sheegay warka Alshabaab.
Hay’adaha amaanka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kama jawaabin sheegashooyinka AL-shabaab ee dilalka xalay ka dhacay Muqdisho.