Warar aynu ka heleyno deegaanka ceelasha biyaha ee Demgada Afgooye ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhecey dagaal geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkani ayaa waxaa uu salka ku haya hurguf u dhexeysa maleeshiyaad kasoo kala jeeda beelaha wacdaan iyo beesha habar gidir oo maalmahanba ka taagneyd deegaanka ceelasha biyaha.
Ilaa iyo hada waxaa la sheegayaa in dagaalkan ay ku dhinteen laba ruux halka dhaawacana uu kor u dhaafay ilaa iyo 4 ruux oo labada dhinac ah, dhanka kalana waxaa jira warar sheegaya in labada dhinacba ay isku hub urursanayaan.
Shalay ayey eheyd kolkii uu gudoomiyaha gobolka warbaahinta u sheegay in ay xal ka gaareen hurgufta u dhexeysa labadaa beeleed balse waxaa cad in weli uusan dhamaan qilaafka u dhexeeya labadaa beeleed.