Wax Ka Ogow Qaar Ka Mid Ah Kooxda Diidan In Baarlamaanka KG Lagu Saleeyo Dastuurka

0
100

Beryahan waxaa magalada baydhabo ka socdey wadahadalo u dhexeeya masuulka maamulka koonfur galbeed iyo odayaasha dhaqanka, Wadahadaladaas ayaa la sheegay in ay salka ku hayeen dhismaha baarlamaanka cusub ee uu yeelan doono maamulka koonfur galbeed.

Wadahadaladaasi oo socdey dhowr maalmood ayaa gabagabadii wax go,aan ah kasoo bixin taasoo loo aaneynayo is hortaag ay ku sameeyeen qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka, Odayashaasi ayaa diiday in wax laga bedelo qaabka uu hada ku dhisan yahay baarlamaanka laguna daayo 149 uu hada yahay, Hallka qaar kalana ay ku adkeysteen in la raaco dastuurka tiradana laga dhigo 95.

Tiradan dheeriga ah ee la isku heysto ayaa waxaa si aan waafaqsaneyn dastuurka maamulka koonfur galbeed odayaasha dhaqanka uga dhameytey Shariif Xasan maadaama uu xiligaas ila iyo hada gacan saar la leeyhahay kooxaha xooga ku heysta gobolka shabeelaha hoose.


Xildhibaanadan dulsaarka ah ayaa intooda badan waxaa ay kasoo galaan gobolka shabelaha hoose waxaana ay u badan yihiin shaqsiyaad kasoo jeeda gobolada dhexe ee dalka taasoo aad moodo in lagu xaal marinaayo wax aysan xaq u laheyn.

Odayaasha sida aadka ah arinta ugu ololeynaayo ayaa waxaa ka mid ah Suldaanka Beesha Tuni Suldaan Xeyday, Ugaaska Beesha Gare Nuur Shaakoow, Suldaanka Beesha Biyamaal Suldaan Ibraahin Cali Xaaji oo dhamaantood kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose, Waxaan kaloo meesha ayagana ka marneyn Gudomiyaha baarlamaanka k Galbed Cabdulkhadir, Xasan Xuseen ( Xasan Eelaay ) iyo weliba Adan Xasan oo ku magac dheer osma.

Si kastaba arintu ha ahaatee isbaheysigan cusub ee weli xiriirka la leh Shariif Xasan ayaad waxaad modaa in uu noqon doono mid caqabad ku ah maamulka uu hogaamiyo Cabdicasiis lafta gareen oo raba in uu wax ka bedelo qaabka uu baarlamaanka hada ku saleysan yahay.