Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta kulankoodii Koowaad ee Kalfadhiga 6aad oo dhawaan furmay ku yeeshaan magaalada Muqdisho.
Fadhiga Golaha Shacabka ayaa maanta ajandihiisa yahay dhageysiga Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka iyo midka Dabiiciga.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan furay Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay horyaalaan howlo badan.
Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka.