Agaasimaha Maamulka IMF, Kristalina Georgieva oo Sheegtey In Kulan Miro Dhal ah ay la Qaadatey Wefdigii Dowlada Somaliya ee Tegay Magalada Washigton

0
79

Soomaaliya ayaa dadaal ballaaran ugu jirta sidii looga dhaafi lahaa ama looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay, waxaana maalmihii ugu danbeeyay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ka soconaya kulamo arintaa ku saabsan.

Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva ayaa ka hadashay kulan magaalada Washongton maalintii shalay ay kula yeelatay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo u horkacyo Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre, waxeyn sheegtay in kulankaasi uu ahaa mid miro dhal ah.

Warka ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta iy,adaoo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhammeystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen.

Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxaa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC).

Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaallada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Soomaaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay si ay ugu furmaan albaabbada hey’adaha dhaqaalaha adduunka.