Gudoomiye ku xigeen gobolka shabelaha hoose oo maalintii shaley la hadley warbaahinta magalada muqdisho ayaa hogaanka maamulka koonfur galbeed ugu baaqay iney yimaadaan gobolka si ay wax uga ogaadaan dhibaatooyinka yaala gobolka.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in amniga gobolka maalinba maalinka kasii dambeysa uu faraha ka baxayo sidaasi darteeda ay lagama maarmaan tahay in hogaanka uu wax ka soxo halka uu qaladka ka jiro.
Gobolka shabelaha hoose ayaa ah gobolka ugu amniga daran dalka somaliya halkaasi oo ay ka dacaan dilal qorsheysan, Dhac iyo isbaarooyin xad dhaaf ah oo yaala dhamaan wadooyinka gala gobolka shabelaha hoose.