Shacabka reer Canada ayaa maanta oo isniin ah codkooga ka dhiibanaya doorashada guud ee dalkaasi oo la filayo in ay mar kale dib ugu soo doortaan xisbiga ra’iisalwasaare Justin Trudeau.
Ka dib markii si lama filaan ah uu ku guuleystay xukunka dalkaasi muddo haatan laga joogo afar sano ayaa ra’iisalwasaare Justin Trudeau oo haatan 47 sano jir ah, waxa uu mar kale doonayaa in dib loo soo doorto xisbigiisa Liberal ee ay siyaasaddiisu furfuran tahy.
Trudeau ayaa fuliyay qaar badan oo ka mid ah ballanqaadyadiisii hore sida in uu sharci ka dhigi doono isticmaalka maandooriyaha Xashiisha ee dawo ahaanta loo qaadanayo iyo in kharash ku bixiyo daryeelka dhallaanka dalkaasi.
Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka, Andrew Scheer, ayaa ah ninka haysta fursadda ugu wanaagsan ee xukunka kala wareegi kara ra’iisalwasaare Trudeau balse ninkan oo 40 sano jir ah ayaanan shacbiyad badan lahayn, waxana si kedis ah uu sanadkii 2017 ku noqday musharaxa xisbigan.
Dadka kale ee tartankan ku cusub wax aka mid ah Jagmeet Singh oo isagana 40 sano jir ah isla markaana ah musharraxa xisbiga NDP. Jagmeet ayaa hoggaanka xisbigaasi qabtay muddo haatan laga joogo laba sano, waxaana xisbigiisa uu dhibaato kala kulmayay sidii uu dhaqaale ku heli lahaa maadaama saddex meelood hal meel xubnihii xisbigaasi ay ka hareen tartanka.