Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay hay’adda samafalka in deg deg loo caawiyo dadka barakacay fatahaadda ay sameynayaan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.
War ka soo baxay Wasaarradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay sameeyeen fatahaado, islamarkana xukuumadda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay saameynta ka dhalan karta.