Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa Maanta ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 3aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa:
Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka iyo Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Kulanka 3aad waxaa soo xaadiray 31 Senatar,Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay ansixinta Xubinta Cusub oo kamid noqaneysay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka .Waxaa codeeyay 31, senatar, Wax diiday majirin,Wax ka amuusay majirin.
Sidoo kale Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka,waxaana u codeeyay 31, senatar, Wax diiday majirin,Wax ka amuusay majirin.