Warar aynu ka heleyno magalada baydhaba ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxo mansab raadis ah ay halkaasi ka bilaabeen in ay sameystaan malaaqyo gacan ku rimis ah si markaasi ay uga mid noqdaan xildhibaanada cusub ee uu dhawaan yeelan doono maamulka koonfur galbeed.
Shaqsiyaadkan ayaa la sheegayaa in ay sameysteen malaaq cusub oo ay yeelan doonto beesha Geydhe oo ka tirsan beelweynta Jilible, Beesha ayaa hada waxaa malaaq u ah Malaaq Maxamed Samoow oo in mudo ahba hayey hogaanka beesha isla markaana wax kasoo xulay xildhibaanadii koonfur galbeed iyo weliba kuwa federaalka ee hada jira.
Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in arimahan ay si aad ah uga carooday Waxgaradka iyo odayaasha kasoo jeeda beesha Jilible, waxayna sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in waqtigan hada la taagan yahay beesha dhexdeeda laga abuuro dhibaato iyo fowdo wexeyna uga digeen dadka howshaasi gacanta kula jira iney sida ugu dhaqsiyaha badan faraha kala baxaan.
Si kastaba arintu ha ahaatee xili kasta oo ay soo dhawaato doorashada federaalka ama tan maamul goboleedka waxaa lama huraan ah in ay sameysmaan xildhibaano gacan ku rimis ah kuwaas xiliyadii hore ay sameyn jireen siyaasiyiinta hormuudka u ahaa koonfur galbeed balse xiligan dambe ay bilaabeen in ay sameeyaan shaqsiyaad jaabkooda qoyan yahay oo aan wax arxan ah u heyn bulshada ay rabaan iney matelaan.