Reysulwasaaraha Xukumada Federaalka oo Baaq Ku Aadan Fatahaada u Direy Beesha Caalamka

0
57

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen.

Ra’iisul Wasaaraha oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaalladda hadda taagan ay u baahan tahay in si wadajir ah la isaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen, ayna sababeen dhimasho, barakac baahsan, burburiyeen kaabayaal dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hadii hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto.