Taliyaha Sector 3-aad ee Ciidamada AMISOM ayaa booqdey dadkii ay fatahaada kasoo gaartey degmada Bardaale ee Gobolka Baay, isaga oo u kuurgalaya xaalada ka jirta degmadaas.
Degmada Bardaale ayaa waxaa kusoo rogmaday daadada ka dhashay roob maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay degmadaas, waxaana badi barakacay dadkii ku noolaa degmadaas.
Bulshada ku nooleyd degmada Bardaale oo u barakacay duleedka degmadaas ayaa waxaa ay Hoy ka dhigteen Geedaha ku yaalla banaanka Magaalada, dadkaas oo isugu jira, Hooyooyin, Carruur iyo dad kale oo Da’ah.
Genaral Alemu Ayele oo ah taliyaha Ciidanka AMISOM sector 3 ayaa shaagey in ay door muhiim ah ay ka qaadan doonaan sidii bulshada Degmada bardaale gar gaar loo gaarsiin lahaa, isla markaana kaalmadii ugu horeysay ay gaarsiiyeen Bulshada degmada Bardaale.