Odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug oo habeenkii xalay shir iskugu yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saareen kulankooda ku cadeeyay mowqifkooda dhismaha maamulka Galmudug.
Odayaasha beelaha Galmudug ayaa baaq u diray dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca, iyagoo war-murtiyeedkooda ku soo koobay afar qodob oo mowqifkooda ah.
Go’aanka hoggaanka dhaqanka beelaha Galmudug oo lagu cadeeyay warqadda ka soo baxday ayaa u dhignaa sidaan: