Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Gaaray Magalada Beledweyne

0
87

Wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha dowlada federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa goor dhaw gaaray magaalada Beledweyne oo dhawaan ay ku dhufatay fatahaad ka dhalatay Wabiga Shabeelle.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha ayaa ku kuurgali doona xaalada fatahaada iyo sida ay u sameysay guud ahaanba magaalada oo dadkii degenaa ka barakaceen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysaa sidii loo gargaari lahaa Shacabka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne.