Waxaa goor dhaweyd Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ka soo digtay diyaarad ay la socdeen wafdi ay horkacayaan Madaxwenayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo ku mideysan madasha Xisbiyada Qaran.
Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeele, guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo dad ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada oo saacadihii la soo dhaafayba ku sugnaa Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.
Isla Wafdiga ayaa la sheegay in saacado kooban subaxnimadii hore ee saakay lagu xayiray Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qeyb ka ah gurmadka loo sameynayo dadka ay fatahadu ku dhufatay, waxaana socdaalkan wafdiga ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya uu noqonayaa mid loogu kuurgalayo xaalada guud ahaan magaalada iyo sida ay fatahaadu sameysay bulshada.