Warar aynu ka heleyno degmada Afgooye ee gobolka shabelaha hoose ayaa sheegaya in gebi ahaan wax howl ah aysan ka socon cisbitaalka degmada dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay taasoo keentey in dadka ay usoo cisbitaal doontaan magalada Muqdisho.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirney ayaa inoo xaqiijiyey in ku dhawaad 7 bilood aysan wax shaqo ah ka socon cisbitaalka isla markaana dadka aan awoodin in ay xamar u daw doontaan ay tagaan rugag caaafimaad oo ka furan deegaanka ceelasha biyah iyo weliba siinka dheer.
Maamulkii hore ee degmada afgooye ayaa inta badan waxaa uu ka caban jirey in dhaqaaalaha kasooxarooda degmda aan dib loogu celin degmada taassina ay keentey in degmada aysan heysan dhaqaale ay ku wado howlaha ay u baahan yihiin shacabka degmada.
Si kastaba arintu ha ahatee degmad afgooye ayaa ah degmada ugu dhaqaalaha badan gobolkashabelaha hoose ayadoo halkaasi ay yaalaan in ka badan 8 Isbaao oo shaqacabka lacag looga gurto, waxaa kaloo si joogta canshuuraha looga qaadaa dhamaan suuqyada ka furan degmada balse waxaa nasiib daro ah in dhamaan lacagahaas aysan dib ugu laaban degmada intooda badana ay ku dhacaan jaabab shaqsiyaad leyihiin.