Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Amar Ku Bixiyey In Laga Guuro Xarunta Dhulka ay Leedahay Dowlada Hoose ee Ku Yaala Warta Nabada

0
42

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa soo saaray amar deg deg ah, kadib kormeer uu ku tagay garoonka kubadda cagta ee Naadiga Muqdisho City Club ee dowladda Hoose.

Gudoomiyaha ayaa amray in inta ka dhiman bishan November looga guuro dhulkii Munishiibiyada ay laheyd, isagoo ka dalbaday shacanka degan in illaa 1-da bisha soo socota ay uga baxaan dhulkaasi oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay guddoomiyuhu inuu uga mahadcelinayo dadkaasi muddadii ay hayeen dhulkaasi, hadana ay u soo baahatay dowladda hoose

Dhulalka danta guud ee ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkan dib u soo ceshaneysay dowladda Soomaaliya.