Waxaa Goor dhaw magaalada Muqdisho ka furmay kulan ay si wadajir ah u yeelanayeen xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankan oo noqonaya kiisii ugu horeeyay oo ay yeeshaan labada Aqal ayaa waxaa wadajir u guddoominaya Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.
Ajendaha kulankaan wadajirka ayaa ah Ansaxinta Ajendaha iyo Akhrinta 1Aad Doodaha Miisaaniyadda 2020-ka.
Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa marar badan oo hore waxaa jira khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay, laakiin markii danbe lagu xaliyay kulan wadajir ah oo ay madaxweyne Farmaajo la qaateen labada guddoomiye ee Labada Aqal ee Baarlamaanka.