Taliyaha Ciidanka Boliiska oo ka Hadley Dilkii loo Geystey Almaas Elman

0
50

Shalay waxaa Gudaha Xerada Xalane oo ay AMISOM gacanta ku heyso lagu dhex-dilay Almaas Elman oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad ee Safaarada Somalia ee Kenya, haatana ka tirsaneyd Xafiiska xiriirka & Isgaarsiinta ee Midowga Yurub.

Gaari ay saarneyd ayaa Shalay rasaas lagu furay, waxaana soo gaaray dhaawac markii dambe keenay inay u dhimato, waxaana xusid mudan inaan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn cidda dishay.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay gal dacwadeed ka fureen laanta dambi baarista ee Muqdisho si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo dilka loo geystay Almaas Elman.