Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa mar kale ugu baaqay dowladda federalka iyo dhamaan dowladdaha xubnaha ka ah iney dib u bilaabaan wada shaqayntoodii, sida lagu sheegay warbixin golaha ammaanka loo diray 15-kii bishaan November.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay sii socoshada ismariwaaga siyaasadeed inuu caqabad weyn yahay oo uu halis gelineyo qorshayaashii lagu meel mariyay shirkii madasha Iskaashiga Soomaaliya ee dhacay kowdii Octobar ee sanadkaan.
Warbixinta waxaa lagu ammaanay dadaalada wacyigelinta ah ee dowladda Federaalku ka wado Galmudug iyo Koonfur Galbeed, laakiin waxaa loogu baaqay dhinacyada ay qusayso geeddi socodka doorashada Soomaaliya in ay si dhaqso ah ugu howlgalaan arrimaha Jubbaland iyadoo loo marayo tanaasul iyo rabshad la’aan.
Ugu dambayn. Qaramada waxay soo dhaweysay ballanqaadka madaxweyne Farmaajo oo ah in la qabto doorashooyinka guud sanadka 2020. inkastoo ay walaac xoogan ka muujisay waqtiga la haysto ama la seegay.