Wakiilka Gaar ah ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa u sheegay Golaha Amaanka Qarramada Midoobey in khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada xubnaha ka ah uu caqabad ku noqon karo doorasho la qorsheynayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.
Swan ayaa sheegay si loo gaaro doorasho ” Qof iyo Cod ah” in ay khasab ku tahay Dowladda Dhexe iyo maamul Gobolleedyada xubnaha ka ah in ay deg deg u soo afjaraan khilaafka dhaxdooda ah.
“Horumar laga sameeyo Ajendaha iyo himilada doorasho ee 2020 wuxuu u baahnaan doonaa isafgarad siyaasadeed. Tani waxay horseedi doontaa wadahadal iyo isu tanaasul u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah federaalka”ayuu yiri James Swan.
Wakiilka Qarramada Midoobey ayaa sheegay in muddo Hal Sano ah uu jiro khilaaf ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda, Jubbaland iyo Puntland.