Xildhibaannada Golaha Wakiilada maamulka Puntland, ayaa Sabtida maanta ah ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka oo Khamiistii ay wasaaradda Maaliyadda u gudbisay Baarlamanka.
Kulanka oo ay soo xaadireen 44 xildhibaan ayaa dhammaantood cod-gacan taag ah ku ansixiyeen Miisaaniyadda, iyadoo aysan jirin cid diidday iyo cid ka aamustay midna.
Miisaaniyadda maamul gobolleedka Puntland oo dhan $ $346,416,158.99 oo Dollar, ayaa Golaha Wasiirada Puntland ansixiyeen Arbacadii la soo dhaafay, kadib kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen xarunta wasaaradda Maaliyadda ee caasimadda Garoowe.
Miisaaniyadan ayaa noqoneysa tii ugu badneyd waxaa ku jira lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe iyo Bosaaso.