Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Jubaland oo ka Hadley Faragelinta Xukuumada ku Heyso Maamulka Jubaland

0
110

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ay fara-galin ba’an ku heyso deegaannada Jubbaland oo sida uu hadalka u dhigay kala qeybineyso iyadoo adeegsaneysa ayuu yiri awoodo shisheeye.

Wuxuu sheegay in shaqada maamulka Jubbaland marnaba saameyn ku yeelan doonin shaqsiyaad iyo mas’uuliyiin sida uu hadalka u dhigay raba in ay la shaqeeyaan dowladda Federaalka ka go’aan Jubbaland inteeda kale.

Waxaa iska diiday in isaga laftirkiisa ay u suurtagali weyday in uu booqdo qeybo ka mid ah deegaannada gobolka Gedo oo lagaga hortagay mudaaraaadyo iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka uu madaxweyne ku-xigeenka ka yahay.

Qaar ka mid ah maamulada degmooyinka Galbeedka gobolka Gedo oo inta badan uu maamuli jiray Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Muqdisho ku xiran ayaa sheegay in ay ku biireen dowlada dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana aysan aqoonsaneyn maamulka Jubbaland.