Xukuumada oo Joojisay Gebi ahaan Muxaadaro uu Shekh Umul Ku Qaban Lahaa Magalada Muqdisho

0
192

Dowladda Soomaailya ayaa in gabi ahaanba la joojiyay muxaadarro muran weyn dhalisay oo maalinta Barri ah lagu waday in Garoonka Eng Yariisoow [Ex Koonis] uu ku qabto Wadaadka Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Maalintii Jimcihii ina dhaaftay ayey aheyd muxaadarradan in ay ka dhacdo Muqdisho hasse ahaatee waxaa ay dowladdu dib u dhigtay ilaa maalinta Axadda ah oo beegan Berri, balse War mar kale ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba la joojiyay muxaadarrada uu qaban lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal

Dood weyn ayaa ka dhalatay muxaadarradan oo ay ka soo horjeesteen Culimada Dariiqada Suufiyada oo sheegay in aysan munaasad ku ahey Umal in uu la hadlo sida ay hadalka u dhigeen bulsho uu Gaaleysiiyay, iyaga oo dhinaca kalana ku eedeeyay Sheekh Umal in uu meel uga dhacay Nabiggeena Maxamed NNKH.

Culimada Dariiqada Suufida ayaa ugu baaqay ugu danbeyntii dowladda Soomaaliya in ay joojiso Muxaadaradaas, iyagoo uga digay in haddii la qabto ay wixii ka dhasha ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto dowladda Federaalka.