War-saxaafadeed ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay kaga hadleen dhibaato ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Saddex degmo oo katirsan gobolka Gedo, kuwaas oo kala ah, Doolow, Luuq iyo Beled Xaawo.
Qoraalka ayaa Madasha Xisbiyada waxaa ay ku sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay wadaan afduub, cagajugleyn iyo xarig Madaxdii maamulada degmooyinka kala ah Beled-xaawo, Luuq iyo Doolow.
Waxaa ay sidoo kale War-saxaafadeedkooda ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen arrimaha la xiriira Jubbaland ee Gobolka Gedo kulankii ay la qaateen dhawaan, hayeeshee tani ay qeyb ka tahay in uu ka baxay qodobo kamid ah heshiiskii ay la galeen Madaxweynaha.