Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgalo ka waday qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgaladan ayaa salka ku haya kadib kolkii Qarax nooca miinada dhulka lagu Aaso ah uu ka dhacay gudaha degmada taasoo ay sheegteen Ururka Al-shabaab in ay ku dileen ilaa 10 Askari, balse saraakiisha ciidamadu kama aysan hadlin wali sheegashada Ururka Al-shabaab.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada aakay ilaa xalay ay degmada Awdheegle ka wadaan holwgallo baaritaano ah oo laga sameynayo Gudaha degmada iyo tuulooyinka hoostaga.
Degmada Awdheegle ayaa ka mid ah degmooyinkii ugu dambeeyey ee ciidamada dowladda Al-shabaab kala wareegeen, waxaana jirtay in horay dadka uga barakaceen, hasse ahaatee maalmihii la soo dhaafay ay dib ugu soo laabanayeen.