Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo Cabdifataax Cabdulle u Magacaabay La Laliyaha Arimaha Bulshada

0
63

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xil u magacaabey Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Mursal ayaa Cabdi Fitaax Cabdullaahi Yuusuf loogu Magacaabey la-taliyaha dhinaca Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Cabdi Fitaax Xaaji Cabdullaahi ayaa muddo ka badan 7 Sano waxaa uu ahaa Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Shabeellaha Hoose, Taasoo intii uu hayey xilkaasi uu shaqo fiican ka qabtey arimaha gobolka shebelaha hoose.

Magacaabistan uu gudoomiyaha baarlamaanka Cabdifataax ugu magacaabay in uu kala taliyo arimaha bulshada ayaa ah mid run ahaatii wax badan u ufin doonta gudoomiyaha golaha shabacka maadaama uu cabdifataax in mudo ahba uu u taagnaa wsidii bulshada lagu hormarin lahaa.