Madaxweynaha oo Manta Xilka Ka Qaaday Xeer Ilaaliyaha Guud Mid Cusubna Magacaabay

0
48

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Axmed Cali Daahir.

Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dowlada federaalka somaliya Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay.