Hogaanka Ahlusuna oo Xalay Kulan ku Yeeshay Magalada Dhuusamareeb Qodobo Dhowr ahna Soo Saaray

0
78

Xalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug kulan ku yeesahay hoggaanka ugu sareeya Ahlusunna Wal-Jamaaca iyo Guddiga farsamada & dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Maxamed Shaakir, iyaga oo go’aano gaarey.

Wararka kulankaas laga helayo ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlusunna ay qaateen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood.

3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug.

4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug.