Roob aad u weyn ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka da.ayey magalada muqdisho kaasoo geystey qasaaro isugu jirta dhimada iyo hanti isla markaana hakad geliyey isku socodka magalada.
Wararka aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaya in Ugu yaraan seddex ruux ay ku dhinteen daadab uu keenay roobka isla markaana guryo badan uu dhibaato u geystey.
Sidoo kale waxaa lagu waramayaa in ay jiraan carruur laga soo badbaadiyay daadadka oo ah kuwo intooda badan saameeyay degmooyinka gobolka Banaadir.
Roobabka ayaa saameynta ugu badan waxaa ay ku reebeen dadka dan yarta ah, gaar ahaan barakacayaasha ku nool magaalada ee degan Aqalada cooshadaha ka sameysay, kuwaa oo gabi ahaanba biyuhu qaadeen.