Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku leh Baarlamaanka Labada Aqal ee Soomaaliya, waxaana uu kulankan noqonayaa kii saddexaad oo ay wadajir u yeeshaan xildhibaannada labada Aqal.
Xildhibaannada ayaa wadajir uga dooddaya ansixinta iyo meel marinta Habraaca dib u eegista Dastuurka, waxaana ku sugan Golaha oo Warbixin laga dhageysanayaa Guddoomiyaha Guddiga la socodka Dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal Cabdi Qeybdiid.
Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa uu ku mashquulsanaa dib u eegista 11 cutub oo ka mid ah 15 cutub oo uu ka kooban yahay Dastuurka.
Fadhigooda maanta ayaa la filayaa in ay ku meel mariyaan Xildhibaannada Labada Aqal Habraaca dib u eegista Dastuurka.