Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Dowladda Dhexe ee Federaalka in la soo afjaro kala aragti-duwanaashaha Siyaasaddeed ee kala dhaxeeya Dowlad Gobolleedyada qeybta ka ah Federaalka.
Danjiraha Dowladda Mareykanka Donald Yamamoto, iyo kooxda Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Somaaliya Xassan Cali Kheyre.
Bogga Twitterka ee Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu daabacay in Saraakiisha Mareykanka ah ay Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya kala hadleen Guud ahaan Xaalada Soomaaliya gaar ahaan tan Siyaasadda.
Wax-yaabaha ay kala hadleen waxaa ka mid ah sidii horamar looga sameyn lahaa nabadda, xasiloonida, iskaashi u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya.