Golaha Wasiirada oo Maanta Shirkoda Khamiislaha Ku Ansixiyey Barnaamij Ku Saabsan Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada

0
60

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.

Istaraatiijiyadda iyo siyaasadda Qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo loo dejiyay shanta sano ee soo socota (2020-2024), ayaa loo qorsheeyay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka oo ay wadaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan oo isugu jira dawladda, shirkadaha, hay’adaha ka shaqeeya horumarinta iyo cid kasta oo ay khuseyso.

Shirka golaha guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale lagu ansixiyay dib ugu biiritaanka Soomaaliya ee ururka la dagaallanka Ayaxa ee waddamada Bariga Afrika.

Si kastaba arintu ha ahaatee hindisahan maanta la meel mariyey ayaad waxaad moodaa mid sidiisaba aan waxba ka bedeli doonin qaabka ay hada howsha u socoto maadaama dhamaan hey’adaha isgaarsiinta dalka ay gacanta ugu jiraa ganacsato somaaliyeed oo in mudo ahba gacanta ku hayey