Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Belidoogle Ku Sugan Si uu u Baaro Qalab Ciidan oo Halkaasi Laga Xaday

0
150

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaalya, xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida iyo saraakiil baarayaal ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa xerada tababarka ciidamada gaarka ah ee Danab ee Bali-Doogle.

Agabkan ayaa waxaa in la waayey soo sheegay saraakiisha cidiamada, mana cadda illa aiyo hadda cidda ka dambeysay.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ayaa shaaca ka qaaday natiijada baaritaanka agabkan la xaday iyo maxkamadaynta ay ka dhici doonto xerada dhexdeeda, waxaana uu sheegay in Balidoogle uu joogayo qof dambi la’aan ah, hadii kalana Muqdisho loo qaadayo qof Xukuman.

Dhacdanai ka dhacdey xerada ciidamada ee belidoogle ayaa ah midii ugu horeysay ee halkaasi ka dhacda, Balse dhegaha shacabka somaaliyeed ayaan ku cusbeyn in agab ciidan la xado isla markaana laga iiibiyo kooxaha kasoo horjeeda dowlada.