Madaxweynaha Kenya oo Sheegay In Ciidamadiisa Aysan Ka Bixi Doonin Somaliya

0
53

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay ciidamada difaaca Kenya in ay kasii mid ahaan doonaan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) illaa iyo inta laga soo celinayo nabada iyo xasillooni Geeska Afrika.

Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkan jeediyay xilli lagu guda jiray xaflad uu tababar milatari ugusoo xirayay dufcadii toddobaad oo ka baxda Akadeemiyada Militariga Kenya ee ku taal Gobolka Nakuru, Khamiistii shalay.

Isagoo intaas raaciyay: “Ciidamada difaaca waxay ku dadaalayaan hadafkooda ah inay nabad waarta iyo horumar waara ka helaan Kenya iyo deriskeeda.”

Ciidamada difaaca Kenya ayaa galay Soomaaliya sanadii 2011 kadib dhowr weerar oo ay Al-Shabaab ka geysatay gudaha dalkaas. Markii dambe ciidamada Kenya waxay kamid noqdeen howlgalka midowga Afrika ee Amisom.