Odayaasha Iyo Waxgaradka Kasoo Jeeda Cadaado oo Ka Horyimid Dhismaha Maamulka Galmudug

0
48

Odayaasha iyo Wagaradka kasoo jeeda Magalada Cadaado kulan ay maanta ku yeesheen magalada cadaado ayaa waxaa ay ku sheegeen inaysan ka qeyb aheyn hananka dhismaha maamulka Galmudug ee dowladda dhexe ay ka bilowday Magalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed ay kulankooda kasoo saareen ayaa waxaa ay ku cadeeyeen inaysan jirin cid ku metesha dhismaha maamulka Galmudug ee hadda ka socda Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana aysan ka mid aheyn Odayaasha dhaqanka ee Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya ay maanta xareysay.

Waxaa ay sheegeen in marnaba shirkaasi ka qeyb-galeyn ilaa laga xaliyo tabashooyinka ay qabaan, isla markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay xalinta tabashada ay qabaan si wax walba oo jira xal looga gaaro.

Dahnka kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Xareysay odayaasha dhaqanka ee Galmudug, waxaana ay soo bandhigtay Liiska Saxiixayaasha Galmudug oo ay sheegtay in ay soo xuli doonaan Xildhibaanada Galmudug.