Safiirka Somaliya ee Turkiga Ayaa Sheegay In aysan Wax Saameyn Doonin Somalida Sharciga Cusub ee Turkiga Soo Saartey

0
39

Safiirka Dowlada Federaalka Soomaailya ee dalka Turkiga oo la hadlayey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uusan wax saameyn ah ku yeela doonin go’aankii dhawaan ay soo saartay dowladda Turkiga ee ahaa inaan ikhaamada la sii doonin dadka dalxiiska ku gala dalkaas Turkiga

Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa sheegay in uu maanta la kulmay madaxa hey’adda Socdaalka Turkiga, isla markaana uu u cadeeyey in dadka Soomaaliyeed uusan saameyn doonin go’aan dowladda Turkiga ay ka soo saartay arinkaas.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa sheegay in madaxa hey’adda socdaalka Turkiga uu kala hadlay sidii Visaha loogu fududeyn lahaa wakhtigana loogu kordhin lahaa dadka caafimaadka u yimaada dalkaas.

Safiirka ayaa sheegay in Sannadkan 2019 in ka badan 11 kun oo Soomaali ah ayaa dalbatay dal ku galka Turkiga (Visa), waxaana la siiyey in ka badan 7 kun oo Soomaalida wata Baasaboorka Soomaaliga” ayuu yiri Ambassador Ceydiid.