Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay oo Itoobiya Ku Eedeeyey Iney Xasilooni Daro Ka Wado Dalka Somaliya

0
47

Laba warbixin oo ay soo saareen Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay ayaa Abiy ku eedeeyey inuu xasilooni darro ka abuurayo South Sudan iyo Somalia, oo ah laba dal oo uu arrimahooda gudaha aad ugu lug leeyahay, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi.

Eedeymahan ayaa imanaya ayada oo Madasha Xisbiyada Qaran, iyo maamulka Jubaland ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya inay dowladda Farmaajo ka caawinayaan inay faro-geliso arrimaha maamul goboleedyada.

Dhinacyadan ayaa sheegaya in Ethiopia ay ciidamo aan Amisom ka tirsaneyn kusoo daabuleyso Soomaaliya, si ay u fuliyaan hadafyada madaxweyne Farmaajo uu kula wareegayo maamul goboleedyada.

Safiirka Itoobiya ee Kenya Meles Alem, oo la hadlay Daily Nation ayaa sheegay in eedeymahan aysan xaqiiq ahayn.

Meles ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee nabad-ilaalinta ay dalalka kale, oo Soomaaliya ay ku jirto, u joogaan hanaan nabadeed oo kaliya, islamarkaana ay raacaan xeerarka caalamiga ah.

.