Mareykanka ayaa War uu soo saaray kaga hadlay duqeyn cidka oo Sabtidii shalay ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe
Taliska Africom oo Warkan soo saaray ayaa sheegay in ay hadda qiimeynayaa wax-yaalada ka dhalatay duqeynta oo lala eegtay saldhigyo ay ku sugnaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab
Taliska ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah sida ay hadalka u dhigeen kooxaha Argagixisada iyadoo gacan la siinayo Dowladda Soomaaliya.
Mareykanka ayaa wali sii wadda weerarrada Cirka ah ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo quwadaha shisheeye ee gacanta siinaya.