Waxaa isa soo taraya qayla dhaan xoog leh oo ka soo baxeysa qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha daga Galmudug kuwaas oo sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay ka saartay liiska odayaal sax ah.
Beelaha ay ka soo jeedaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga badalay odayaasha dhaqanka waxaana ka shaqeeyay 3 qof oo ka kala tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen odayaasha qaarkood ee la badalay.
Odayaal cusub oo aan ka tirsaneyn 135-ka qof ee dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, sidoo kalane aan qayb ka aheyn odayashii hore usoo dhisay Galmudug ayaa lagu soo daray liiska waxaana laga saaray kuwii hore uga tirsanaa.
Odayaasha dhaqanka ee liiskaan laga saaray ayaa qaarkood diiday in ay hadlaan waxayna sheegeen in ay ku jiraan wadahadalo islamarkaana ay rajo ka qabaan in boosaskooda loo soo celiyo, waxaana sidaas oo noo sheegay qaarkood oo aan la hadalnay.