Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dad dibaxayaal oo siweyn ugu soo dhawaaday saldhiga ay ka degan yihiin degmada kuwaa oo dhagaxaan iyo walxo kale ku tuurayay xeryaha ciidamada ay degan yihiin.
Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa degmada, waxaana banaanbaxayaasha ay xireen wadooyinka waaweyn ee degmada, iyada oo dhamaanba ay xiran yihiin goobihii ganacsiga,
Dadka ku dhaqan degmada ayaa siweyn uga soo horjeeda maamulka Hirshabeelle oo ay ku eedeeynayaa iska horkeen bulsho, waxaana ay diidan yihiin qorshe Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle uu ku tagi lahaa degmada.
Dhanka Maamulka Hirshabeelle ayaan wali ka hadlin xaalada degmada iyo qasaaraha ka dhashay dibadbaxan oo la sheegay in uu ku dhitey hal qof qaar kalana ay ku dhaawacmeen.