Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku yeshay Kulakii 20 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .
Ajandayaasha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka iyo Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.
Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare ee BFS.
Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.
Golaha Aqalka sare aya ansixiye ayagoo marsiiyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Wax-ka bedelka Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.Waxaa Ogaalada 30 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro.