Jaaliyada koonfur galbeed ee Waqooyiga America oo soo dhaweyey go,aanka ay wada qaateen maamulka iyo odayaasha dhaqanka.

0
90

Kulan ay isugu yimaadeen jaaliyada koonfur galbeed ee ku dhaqan qaarada north america ayaa soo dhaweeyey go,aankii ay sida wadajirka ah u qaateen odayaasha dhaqanka koonfur galbeed iyo maamulka koonfur galbeed go,aankaasi oo ahaa in baarlamaanka maamulka koonfur galbeed lagu saleeyo dastuurka 95 xildhibaan.

Kulankan ayaa looga hadlayey isbedelka la damacsan yahay in lagu sameeyo xubnaha baarlamaanka koonfur galbeed kaasoo markii hore ahaa 149 oo uu si qaldan Shariif Xasan uga dhaadhiciyey odayaasha dhaqanka islamarkaana ay ka ogolaadeen, Balse uu maamulkan cusub doonayo in baarlamaanka tiradiisa la yareeyo isla markaana la waafujiyo dastuurka.
Qaar ka tirsan odayaasha oo meesha ka hadley ayaa sheegay in markii horaba ay qalad aheyn in 54 xubnood oo korsaaar lagu daro baarlamaanka ayadoo weliba magac loogu yeeray uu ahaa xubin sharafeed taasoo maanta keentey in ay u doodaan.

Odayaasha aya ka digey in baarlamaanka lagu soo daro dadka aan deegaanka u dhalan wexeyna sheegeen in macquul eheyn in koonfur galeed keliya noqoto meel lawada leeyahay maamul goboleedyada kala noqdaan meel dadgooni ah ay leeyihiin.

Si kastaba arintu ha ahaatee dadaalada la rabo in lagu yareyo xildhibaanada baarlamanka koonfur galbeed ayaan eheyn mid sahlan waxaase hubaal ah in ay jiraan siyaasiyiin kasoo jeeda koonfur galbeed oo gacan saar la leh beelaha ay kasoo jeedaan tirada korsaarka ah, kuwaas oo mar walaba dadaal dheer ugu jira in tirada xildhibaanada koonfur galbeed aan waxba laga bedelin.