Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ku bixineyso lacag dhan $ 5 Milyan oo dollar madaxa Labo sarkaal oo lagu magacaabo Omar Shafik Hammami iyo Jehad Serwan Mostafa kuwaa oo ka tirsan Ururka Al-shabaab islamarkaana u dhashay dalka Mareykanka.
Dowladda Mareykanka ayaa gaar ahaan sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu abaabulay Weeraro badan oo ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya, islamarkaana uu ka mid yahay Shaqsiyaad Khatarta ku ah Ammaanka Afrika.
Dowladda Mareykanka waxaa ay sheegtay Jehad Serwan Mostafa in uu yahay Shaqsiga kaliyah ee u dhashay Mareykanka ee ugu sarreeya Al-qaacida iyo Al-Shabaab Muwaadininiinta Mareykanka ee ku jira.
Ninka kale ee lagu magacaabo mar Shafik Hammami ayaa isna ku biiray Ururka Al-shabaab sanadkii 2006dii isaga oo u qaabilsanaa Ururka Al-shabaab dhinaca dacyaada iyo qorista dhalinyaro taqaana Luuqada Ingariiska isaga oo adeegsanaya qoraalladiisa.