Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warbixino ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka Itoobiya oo lagu sheegay in ciidamada badda Itoobiya ee cusub uu saldhiggooda noqon doono Jabuuti.
Wargeyska Capital Ethiopia oo soo xiganaya Ilo-wareedyo ayaa qoray in intii lagu guda jiray booqashadii uu Jabuuti ku tagay toddbaadkii saddexaad ee bishii October, uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kala hadlay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in Jabuuti ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya, la iskuna raacay.
Hase yeeshee safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in weli aysan jirin wax heshiis ah oo Jabuuti ku ogolaatay in ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya.
Maxamed Idiris Faarax waxa uu qiray in labada waddan ay ka wada hadleen arrintan, balse illaa iyo hadda aysan jirin wax dhaafsiisan wada-hadal oo kasoo cusboonaaday arrintaas iyo heshiis rasmi ah oo la gaaray.
Safiirka ayaaa dhinaca kale sheegay in heshiis kasta oo Jabuuti ay arrintan ka gaarto uu noqon doono mid saddex geesood ah oo Faransiiska uu qeyb ka yahay. “Haddii ay noqota in heshiis la gaaro wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, Jabuuti iyo Itoobiya” ayuu yiri.